Darawal Taxsiila ah oo gaarigiisa Qarax loogu xiray ayaa maanta waxaa uu kula Qarxay nawaaxiga Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdisho.
Taxsiilaha ayaa la sheegay in uu u geeryooday dhaawac kasoo gaaray qaraxa, sida dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen warbaahinta gudaha.
Ciidamada ilaalada xarumaha QM iyo kuwa Hotel Jazeera, ayaa soo gaaray goobta gaariga uu ku Qarxa, waxaana hadda lasoo sheegayaa in ay socdaan baaritaanno ay waddaan ciidanka dowladda.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qarax ninka taxsiilaha ahaa.
Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan magaalladda, waxaan dowladda ay mar kasta ku cel-celisaa in wax laga qaban doono.
warsom2011@gmail.com









