Kulanka Barlamaanka oo Ajendihiisu yahey Go’aan ka gaarista Wasiirka Dastuurka Soomaaliiya.

0
523

Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin magaalladda Muqidsho.

Kulanka Golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa uu ajandihiisu noqonayaa go’aanka laga qaadanayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.

“Mudane Xildhibane, berri oo ah Arbaco Tr. 02/08/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira kulanka guud ee golaha shacabka. Ajendaha: ka doodista iyo go’aan ka gaarista Wasiirka Arrimaha Dastuurka”ayaa lagu yiri fariimo qoraaleed Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka u diray Xildhibaanada.

Xildhibaannada ayaa ku kala qeybsan dooda maanta ee Baarlamaanka.

Guddoonka ayaa guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka u saaray in ay go’aan ka soo gaaraan tallaabada la qaadayo, iyadoo Guddiyada Joogtadana ay dib ugu soo celiyeen go’aan ka gaarista Wasiir Xoosh kulanka guud ee Baarlamaanka Somaliya.

Maxey aheyd Natiijadda kulankii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka?

Wasiir Cabdiraxman Xoosh Jabriil oo 30-kii bishan qorshuhu uu ahaa in uu hortago baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo loo weydiiyo ayaa arintaa ka cudur daartay, sababo la xiriira caafimaadkiisa.

Wasiirka ayaa u gudbiyay guddoonka baarlamaanka qoraal uu ku codsanayo in la siiyo mudo ku siman ilaa 11 bishan Augusto, hasse ahaatee waxaa arintaan ka soo horjeestay oo diiday qaar ka mid ah xildhibaannada oo ka dalbaday guddoonka baarlamaanka in dib u eegis lagu sameeyo xilka uu hayo wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu ka biyo diiday u yeeristii baarlamaanka.

Dhinaca kale xildhibaano kale oo ka tirsan isla Baarlamaanka Federaalka ayaa taa badalkeeda ku tilmaamay cudurdaarka wasiirka mid loo qaadan karo loona baahan yahay in la siiyo mudada uu codsaday.

Balse dood kaddib gu’doonka baarlamaanka ayaa go’aansaday in uu cod galiyo arinta ku saabsan dib u eegista xilka wasiirka waxaana 85 ka mid ah ay u codeeyeen in dib u eegis lagu sameeyo halka 77 xildhibaanna ay arintaa ka soo horjeesteen oo dalbaday in dib loo dhigo halka saddex xildhibaan ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari oo natiijada codeynta ku dhawaaqay ayaa sheegay in guddiga joogtada ah ee baarlamaanka u taallo ka qaato waxa laga yeelayo arintan gaar ahaan xil heynta wasiirka oo ay dood ka keeneen xildhibaannada qaarkood.

warsom2011@gmail.com