YEHYE JEMEC: Madaxweynihii Dalka Gambia oo dalka isaga cararey.

0
537

Madaxweynihii Gambia ee dhawaan doorashada laga helay ee kursiga isku dhajinaayay ayaa ugu dambeyn go’aansaday inuu xilka wareejiyo dalkaana isaga tagay si madaxweynaha dhawaan la doortay Adama Barrow uu u baddalo.

 

Yahya ayaa qabtay dalka Guinea asagoo sida la sheegay uga sii gudbi doona dalka Equatorial Guinea. Garoonka caasimada dalkaa ee Banjul ayuu diyaarad ka raacay Madaxweyne Hore Yahya Jammeh.
Waxaa arinkaa ka dambeeyay labo maalmood oo wada xaajood ay la lahaayeen madax ka socotay dalalka ururka ECOWAS ka tirsan ee galbeedka qaaradaan Afrika oo dalkaasi ka tirsan yahay.

 

Mr Barrow oo ah madaxweynaha dhawaan la doortay ayaa la filayaa inuu mar dhow xilka madaxweynenimo ee dalkaasi Gambia si rasmi ah ula wareego.

warsom2011@gmail.com