(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com
Warsaxaafadeed:
Xuseen Carab Ciise Oo ah Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa saaka kormeershaqo ku tegay xarunta Villa Baydhabo iyo Wasaaradii Gaashaandhigga Ee Soomaaliya,
Waxaana safarkiisa ku wehlinayay Qandaraaslayaal Ajnabi ah kuwaas oo iyaguna u kuurgali karo sida dib u dhis loogu sameyn karo Dhismihii Wasaaradda oo aan muddo 20 sano ah wax dayactir ah Lagu Sameenin.
Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo Ra’iisul Wasaaraha kormeerkiisa ku wehliyay iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM,
Waxayna aad ugu kuurgaleen habka ugumacquulsan ee dib loogu dhisi karo qeybihii Wasaaraddu ay ka koobneyd iyagoo gebi ahaanba ku soo wareegay Wasaaradda gudaheeda.
(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com







