Al-Shabaab Iyo Daacish Oo Dagaal Ku Dhexmaray Deegaan Ka Tirsan Degmada Isku Shuban.

0
542

Kooxo kala taageersan ururada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dagaal wuxuu ku dhex maray deegaanka Il oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Dad deegaanka ka ag dhow ayaa sheegay in dagaalku uu socday illaa xalay saqdii dhexe, lana maqlayay hugunka rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Lama oga khsaaraha dagaalkaasi ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Bishii August ee la soo dhaafay ayaa garabka ururka Al-Shabaab ee buuralayda Galgala ay u kala jabeen laba dhinac, iyadoo hogaamiyihii garabka al-Shabaab ee Galgala C/qaadir Muumin uu ku dhawaaqay in uu ku biiray ururka Daacish, isagoo ciidamo daacad u ahna uu ula gudbay dhinaca buuraleyda Cal Miskaad.