Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wefdi Uu Horkacayey Oo Maanta Tegey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta G/Bay.

0
435

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti la socda
ayaa maanta tegey magaalada
Baydhaba ee xarunta gobolka Bay Waxaana Socdaalka madaxweyne Xasan ee
Baydhaba uu ku qotomay
dhismaha baarlamanka maamulka
Koonfur Galbeed, oo soo xulista
xildhibaannadiisa ay caqabad ka taagan
tahay.

Sidoo Kale Ujeedada socdaalka madaxweynaha
ayaa lagu sheegay isku day uu ku
dardar gelinayo dhameystirka
dhismaha maamulka Koonfur Galbeed,
oo weli caqabad ay ka taagan tahay
soo xulista xubnaha baarlamanka ee
maamulkaas.

Xasan Sheekh waxa uu
kulan gaar ah la yeeshay
madaxweynaha Koonfur Galbeed
Shariif Xasan Shekeh Aadan, isaga oo
sidoo kale khudbad u jeediyey shacab
isugu yimid howlka shirarka ee
magaalada Baydhaba.

Markii uu shacabka la kulmay kadib,
waxa uu madaxweynaha kulan gaar ah
la yeeshey odayaasha dhaqanka oo uu
kala hadlay soo xulista xildhibaannada
Koonfur Galbeed, isaga oo ugu baaqay
in caddaalad lagu salleeyo, si
muuqatana looga qeyb galiyo
haweenka Kasoo Jeedo Gobolkaasi.