Al-Shabaab Oo 14-Ruux Shaqaalo Ah Ku Dishay Weerar Ay Ku Qaadeen Degmada Mandheera Ee Dalka Kenya.

0
493

Ugu yaraan 14 qof oo shaqaale ah ayaa lagu diley weerar ka dhacay gudaha degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay guri ay wada deganaayeen dadkan oo ahaa kuwa dhagaxa (Kaawada) jebiya isla markaana aan Soomaali ahayn.

Ururka al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtey in ay iyagu ka danbeeyaan weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay ugu aargudayeen weerarkii looga diley 11 ka tirsan malayshiyaadka al-Shabaab.

Hore ayaa koox ka tirsan ururka al-Shabaab ay u dileen dad badan oo ahaa kuwa noloshooda ku maareeya jebinta Dhagaxa ama kaawada.
Waa weerarkii u horeeyey ee al-Shabaab ay fuliyaan tan iyo weerarkii ay ku kahsaareen ee ka dhacay gobolka Lamu.

Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan dalka Kenya uu booqasho ku imaandoono Madaxweyne Obama oo ah nin asal ahaan ka soo jeeda Kenya.