Ciidamada DF-ka Ayaa Wali La Sheegayaa In Ay foodda geli la’yihiin Hoteelka Makka Al-Mukarama Waxayna Xoogaga xarakada shabaab ay wali howlgal ka wada Hoteelka Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho oo xalay fiidkii ay dagaal ku qabsadeen.
Sidoo Kale Waxaa La sheegayaa in rasaas xooggan ay ka dhacayso gudaha Hoteelka iyadoona ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya Ku Howlan Yihiin Sidii Ay U Soo Afjari Lahaayeen Weerarkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xoogaga Halkaasi Weeraray ay si buuxda gacanta ugu hayaan hoteelka iyagoona gudaha Ay Ku Go’doonsanyihiin saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan DF-ka Soomaaliya.
Illaa Iyo Xilligaan Dhimashada ka dhalatay weerarka Hoteelka Makka ayaa gaaray Ku Dhawaad 25-Ruux oo ubadan Dad Shacab Ah Oo Halkaasi Ku Sugnaa Iyo Kuwa Meeshaa Deegaan Ku Ahaa.




