Al-Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday bar ciidan oo ku taal magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa la isu adeegsaday hubka boobayaasha, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Dableyda Hubeysan ee ka tirsaneyd Al-Shababa ayaa weerartay bar ciidan oo ku dhow Hotelka Panorama ee magaalada Boosaaso, iyadoo dagaal muddo socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu ku wajahnaa Guri uu degenaa Taliye kuxigeenka Booliska, hase ahaatee bar koontarool laga ilaalinayay Guriga iyo Hotel u dhowaa uu iska hor imaadka ka bilowday.
Illaa saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen ciidamadii ammaanka iyo mid ka mid ah kooxdii soo weerartay ayaa ku dhintay, iyadoo la sheegayo inay jiraan dhaawacyo kale oo labo ka mid ah ay ahaayeen dableydii weerarka ka dambeysay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, hase ahaatee habeenadii la soo dhaafay ayaa weeraro ay ka dhacayeen gudaha Boosaaso, iyadoo ciidanka Puntland ay dagaalo ka wadaan Buuraha Galgala





