Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu tago magaalada Dhuusa Mareeb

0
513

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

Wafdi horu-dhac u ahaa Madaxweynaha oo shalay gaaray Dhuusa Mareeb, kuwaasoo isugu jiray Mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa qaban qaabinaya soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha ee maanta la filayo inay gaaraan Dhuusa Mareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dhuusa Mareeb, iyadoo wali aan loo guda gelin qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo uu hakad badan ku jiro.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wali ay ka jirto is qab qabsi ku aadan halka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta, iyadoo dowladda Federaalka laga sugeyso inay cadeyso goobta sida rasmiga ah ee shirka lagu qaban doono.

Madaxweynaha ayaa horay uga baaqday booqasho uu ku tagi lahaa Dhuusa Mareeb, waxaana dib u dhacyada ku imaanayay la sheegay inay ahaayeen arrimo farsamo iyo marxaladihii khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka ka dhex jiray.

Ammaanka magaalada Dhuusa Mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ay sugayaan ammaanka guud ee magaalada