Maanta barqadii ayuu qarax xooggan qabsaday gaari nuuca qafilan ah oo ay wateen ciidanka booliska Kenya xilli uu marayay bartamaha magaalada Mandheera.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa qabsaday gaariga booliska uu sababay dhimasho iyo dhaawac daqiiqado kadib qarax kale ayaa ka dhacay bartamaha magaalada balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Ma ahan markii ugu horraysay oo qaraxyo ka dhacaan Mandheera guddoomiyaha degmadaasi ayaa bishii lasoo dhaafay ka badbaaday isku day dil kadib qaraxyo lala eegtay.




