“Maxamed Yuusuf”Ciidamada Ammaanka Dowladda Waxay Qabteen 53 –Ruux Oo Isugu Jira Amiiro Shabaab Ka Tirsan, Iyo Raga Amniyaadka Ee Dadka Dila.

0
475

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wax ay soo bandhigeen waxqabadkoodii Bishii lasoo dhaafay ee Septembar, iyaga oo ku faah-faahiyay waxyaabihii u qabsoomay iyo weeraradii ay ka hortageen.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan,ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen Bishii dhamaatay Amiiro iyo Rag dhalinyaro ah oo ka tirsan Shabaab una qaabilsan dhanka amniyaadka ama madax-jabiska.

Maxamed Yuusuf, wuxuu ku waramayaa in ciidamada ammaanka Dowladda ay soo qabteen 53 –ruux oo isugu jira Amiiro Shabaab ka tirsan iyo raga Shabaab ay u yaqaaniin amniyaadka ee dadka dila, waxaana ragaasi intooda badan laga soo qabtay xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale afhayeenka Wasaarada Amniga wuxuu sheegay in laga hortagay oo la fashiliyay 37 kiis oo qaraxyo iyo isku day dil ahaa oo Shabaab ay ka geysan rabeen Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku ammaanay ciidamada amniga Dowladda, doorka muuqata ay ka ciyaareen sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho oo waayahan aheyd mid aad u nabdoon marka loo bar-bar dhigo bilihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho si fir-fircoon uga howlgala, waxaana Magaalada lagu arkayaa gaadiidka ciidanka NISA oo gaaf wareegaya Magaalada gudaheeda.

Wasaarada Amniga Qaranka, ayaa wax badan ka bedeshay ammaanka caasimada dalka oo dadka ay hada dareemayaan neecaawda nabadda.