Maleeshiyaadka Ka Amar Qaata Timo-Kalajeex Oo Jidka U Galay Kolonyo Gaadiid Ah Oo Uu Saarnaa Cabdi Qeybdiid

0
543

Galmudug_Qeybdiid1Mid kamid ah hogaamiyayaasha sheegta Madaxweynaha Galmudug ayaa ku eedeeyey Cabdi Qeybdiid in hub uu ka keenay Muqdisho soo geliyey koonfurta Gaalkacyo.

Maxamuud Cabdi Timo-Kalajeex oo isagu sheegta inuu yahay Madaxweynaha Galmudug ayaa horaantii sanadkan sheegay in ay kasoo horjeedaan dhaq dhaqaaqa uu Cabdi Qeybdiid ka wado koonfurta Gaalkacyo.

“….Dooni meyno in kooxihii ka haray Maxaakiimta iyo Al Shabaab oo kaashanaya Qabqablayaal-dagaal ay dagaal ka abuuraan Galmudug…”ayuu yiri Maxamuud Cabdi Timo-Kalajeex oo kamid ah hogaamiyayaasha Galmudug.

Xiisada ka taagan hogaanka Galmudug ayaa muddo dheer soo jiitameysay iyadoo bishii Feberaayo ee sanadkan uu hogaamiyahan baaq uu soo saaray ku shaaciyey in hub aruursi uu koonfurta Gaalkacyo ka wado Cabdi Qeybdiid.

Maleeshiyaadka ka amar qaata Timo-Kalajeex ayaa jidka u galay Cabdi Qeybdiid iyo kolonyo gaadiid ah oo kasoo gelbisay magaalada Cadaado oo uu shalay kasoo degay. Maleeshiyaadkan ayaa duleedka Gelinsoor ka celiyey gaadiidkii Cabdi Qeybdiid iyadoo iska horimaad halkaasi ka dhacay keenay khasaaro labada dhinac ah.

Cabdi Qeybdiid ayaa shalay ku khasbanaada inuu diyaarad u qaato Airporka Cadaado oo isagu ah mid in muddo ah shaqeenayey. Balse Qeybdiid ayaa hada caqabad ka heysataa maleeshiyaadka kasoo horjeeda ee uu hogaamiyo Timo-Kalajeex oo sheegay inuusan wadada soo mari Karin iyagoo ku eedeeyey inuu doonayo inuu hub soo geliyo koonfurta Gaalkacyo si uu awood u adeegsado kooxaha ku loolamaya hogaanka Galmudug.

Xiisada ka taagan Koonfurta Gobalka Mudug ayaa sii xoogeysatay tan iyo intii ay dowlada Federaalka sheegtay inay maamul u sameyn doonto gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Dhismaha maamulkaasi ayaan weli lagu heshiin isla markaana waxaa jira loolan hoose oo u dhaxeeya garabyada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb iyo Ahlu Sunna waljamaaca oo dhamaantood doonaya inay hogaanka u qabtaan maamulkaasi.