Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si KMG ah xilka Wasiirka Amniga Qaranka u magacaabay inuu sii hayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda uu u magacaabay sii hayaha Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isagu sidoo kale ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
24kii bishan May ayey aheyd markii uu xilkan iska casilay Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo xilkaasi haayey mudo 20 bilood ah.




