uwaadinkaan Soomaaliyeed oo la tuhun san yahay in uu xiriir laleeyahay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa lagu qabtay Magaalada Kuala Lumpur ee Caasimadda dalka Malaysia.
Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Yaasir Al Muqdishi ayaa heysta Jinsiyad Mareykan ah iyadoo la rumeysan yahay in ka soo tagay Magaalada Baraawe ee al Shabaab ay ku xoogan yihiin taas oo ka tirsan Soomaaliya.
Yaasir ayaa Boliiska Malaysia sheegeen in uu ku soo galay dalkaasi Visa ardaynimo iyadoo looga shakisan yahay in uu doonayay falal amniga caqabad ku ah in dalkaasi uu ka sameeyo ama Ururkiisa Al Shabaab ay damacsanaayeen in fariisimo ka sameysteen dalka Malaysia.
Boqolaal Muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu xir xiraa Caalamka dacalladiisa kuwaas oo lagu soo oogo dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Burcadbadeednimo iyo Argigixiso.




