Ra’iisul Wasaare C/wali oo gaaray Marka, Gobolka Sh.Hoose

0
521

Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta gaaray Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumada, qaar ka tirsan Xildhibanaada Baarlamaanka iyo Xubno kale oo ka mid ah Dowladda Soomaaliya waxaa iminka ay ku sugan yihiin Degaanka Ceel-Jaale ee Duleedka Magaalada Marka.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulamo goon gooni ah la leh Odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada isagoona kala hadli doono Xaalada guud ee Gobolka Sh.Hoose.

Sikastaba, Idaacadda Shabelle oo Xiriiro kala duwan la sameesay Mas’uuliyiin la socda Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeexay in ujeedka Wafdigan uu yahay u kuur galid Xaalada Bini’aadanimo ee ka taagan Gobolka Sh.Hoose.