Soomaalidda ku dhaqan Mareykanka ayaa waxaa ay aad u soo dhaweyeen sharci ay meel mariyeen Congress-ka Mareykanka kaasoo ahaa sharciga horumarinta Xawaaladaha midkaaso dadka Mareykanka ku cusub u sahli doona in ay eheladooda u diri karaan lacago.
Dalka Mareykanka oo ka mid ah dalalka ay Soomaalidu ku badanyihiin ayaa dhib badan waxaa uu ka heystay dirada lacagaha oo an la sharciyeen dadka cusub inay dibadda wax u diran,balse xilligaan Congress-ka Maraykanka ayaa ansixiyey sharciga xawaaladdaha.
Waxaa la sheegay inuu noqon doonno sharcigaan mid la martsiiyo aqalka Senate-ka, si ay u meel-mariyaan, waxaana haddii ay meel mariyaan saxiixi doona madaxweyne Barack Obama.
Muhiimada uu sharcigan Soomaalida u leeyahay waxaa lugu sheegay inay tahay mid u khafiifinaya shuruucda lagu maamullo shirkaddaha xawaaladdaha, wuxuuna horseedi donaa in bangiyada Maraykanka ay dib u bilaabaan addeegii ay joojiyeen ee ay siin jireen shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee gobolka Minnesota.
Mallaayin doollar ayaa la sheegay sannadwalba dadka ku nool gudaha Soomaaliya inay ka helaan eheladooda ku nool dibadda,waxaana jirta dadka dibadda ku nool qacabado inay kaga yimaadan dirista lacagaha.




