Ku dhawaad 22 muhaajiriin ah oo ay ku jireen afar caruur ah ayaa ku qaraqmay Biyaha badda Aegean gelinkii dambe ee shalay, kadib markii iyaga oo doonaya inay ka gudbaan Greek ay la quustay doontii ay la socdeen, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan ciidamada ilaalada badda dalkaasi.
Sideed ruux ayaa la helay iyaga oo meyd ah kadib markii dooni ay la socdeen laga soo jiiday badda, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada dalkaasi, iyago intaasi ku daray in afar ruux lagu baxnaaniyay badda.
Badankood dadkaasi ayaa la aamisan yahay inay ka tageen dalka Soomaaliya sida ay sheegeen masuuliyiinta, waxaana mid kamid ah haweenka dhintay la sheegay inay uur laheyd.
Sidoo kale 65 muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan wadada deriska ah ee turkey markii dooni ay la socdeen ay ku degtay meel ku dhow jazeerada Samos ee dalka Greek.
Sababta ay doonidaasi u degtay ayaa lagu sheegay inay tahay dhanka hawada oo xumeyd.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in dadka la badbaadiyay ay ku jiraan seddex haween ah iyo wiil yar kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Magaalada Athens ee dalka Greece, iyadoo sidoo kale ay socdaan baaritaanka muhaajiriin kale oo la rumeysan yahay inay badda ku maqan yihiin.
Saraakiisha badda ayaa sheegay in baadi doonka ay ka qeyb qaadanayaan labo diyaaradood oo Helicopters ah iyo ciidamada ilaalada xeebaha ee midowga Yurub oo watta maraakiib.





