MAAMULKA JUBBA OO HIRGELINTA FEDERAALIISAMKA KU XIRAY DOWLADA OO TAAGEERTA MAAMUL GOBOLEEDYADA KAJIRA DALKA

0
558

Maamulka KMG ee Jubba, ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay taageero in loo muujiyo Maamulka KMG ee Jubba ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismayo.
Warkan ayaa waxaa sheegay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka KMG ee Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa usheegay Wariyeyaasha in Dowladda Dhexe looga baahan yahay inay taageerto Maamulka Jubba.

Wuxuu sheegay si loo gaaro guud ahaan dalka Soomaaliya doorasho iyo in la muujiyo dhaqangelinta nidaamka Federaalka Soomaaliya in la rabo in Dowladda ay taageerto Nidaamka Federaalka.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa ah maamul ay aqoonsan tahay Dowladda Dhexe ee dalka, waxaana uu ka arimiyaa Saddex Gobol oo Koonfurta Soomaaliya ku yaala.
20129