Guddoomiyihii Degmada Wadajir oo ugu baaqay shacabka Degmadaasi in ay la shaqeeyaan Maamulkooda Cusub

0
527

Guddoomiyihii Hore Maamulka Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow ( Axmed Daaci) oo u warramayay Warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi Wadajir in ay ammaanka kala shaqeeyaan Maamulka Cusub ee degmadaasi Wadajir.

Axmed Daaci ayaa sheegay in degmadu ay leedahay Ciidamo Madani ah oo u gaar kuwaas oo uu sheegay in loo baahan yahay wada shaqeyn ay la sameeyaan Bulshadau si amniga degmada uu u noqdo mid la isku halleyn karo.

Dhinaca kale Axmed Daacid ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono Maamulka Cusb ee degmada Wadajir islamarkaana uu gacan ka siin doono wax kasta oo adeega bulshada degmada Wadajir ku aadan.

Si kastaba dhawaan ayaa waxaa digreeto ka soo baxdat Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Max’ed Xuseen Muungaab xil ka qaadis loogu sameeyay Guddoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci iyadoo degmadaasi loo Magacaabay Guddoomiye Cusub.Axmed-Daaci-150x150