Sida Ay Sheegayaan Wararka laga helaayo Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa in Dagaalyahanada Al-Shabaab ay galabta weerar Ku Qaadeen kolonyo Ciidamada Booliska Kenya ay la socdeen.
Khasaaraha ka dhashay weerarka galabta ka dhacay Degmada Libooyo Kenya Ayaa Warar kala duwan ka soo baxayaan laakiin Saraakiil u hadashay Dowladda Kenya, ayaa waxay sheegeen in halkaasi looga dilay shan kamid ah Saraakiisha Booliska Kenya.
Sidoo Kale Sarkaakiisha Boliska Kenya ayaa Waxa Ay sheegeen in weerarkaani uu ka dhacay Deegaanka Cali Kabey, oo ku yaala inta u dhaxeyso Libooyo iyo Dhadhaab Iyadoona Dhankooda Ay sheegteen in raggii soo weeraray ay ka dileen seddex kamid ah Balse Ma Jiro Hadal Ka Soo Baxay Al-Shabaab.




