Maanta Ayaa Waxaa markale dib loo dhigay Maxkamadeynta Milkiilihii Idaacada Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud, Wariye Maxamed Bashiir Xaashi iyo Faaduma C/qaadir Iyadoona Maanta loo madalsanaa in Maxkamada Gobolka Banaadir, ay go’aan kama dambeys ah ka qaadato kiiska la xiriira Suxfiyada sheegatay in la kufsaday iyo Wariyihii wareystayba.
Maxkamada, ayaa Sidoo Kale waxaa looga fadhiyay in ay cadeyso waxa lagu heysto C/maalik Yuusuf Maxamuud, oo toddobaadkii 3-aad u xiran Dowladda Federalka ee Somaliya Waxaana La sheegayaa in C/maalik lagu heysto aflagaado uu u geysto Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed Iyadoona wararka Kale ay sheegaayaan in lala xiriirinaayo kiiska gabadha sheegatay in la kufsaday.




