Gabar Ka Tirsan Macalimiinta Ajaaniibta Wax Ka Dhiga Jaamacada Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Dilay.

0
572

Macalimad wax ka dhigeysay Jaamacada Soomaaliya Una dhalatay dalka Uganda ayaa Waxaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho Iyadoona la sheegay inay xijaabnaan jirtay, ayna laheyd ilaalo u gaar ah sida ay inoo xaqiijiyeen Maamulka Jaamacada waxaa Macalimada La Dilay lagu magacaabi jiray Leylo.

Macalimadan u dhalatay Uganda ayaa Jaamacada Soomaaliya ka dhigeysay Maadada dhaqaalaha Waxaana Meydka Macalimada loo dhoofiyey Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dilka Macalimadaani Ayaa Ku Soo Aadaya Xilli Dhawaan haweeney u dhalatay dalka Sweden lagu dhaawacay nawaaxiga Isgoyska KM4, markii ay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal Muqdisho oo ay cashir ka bixineysay, iyadoo weerarkaas lagu dilay wiil soomaali Ah Oo heystay dhalashada Swedish Ah.