Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa waxay maanta gaareen Gobolka Baay Xaruntiisa Magaalada Baydhabo.
Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Dowlada FKGS Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Baydhabo, ayaa waxa uu sheegay in ay Baydhabo ugu soo laabteen, sidii ay uga qaybgali lahaayeen Dhismaha Maamulka Gobolada Koonfureed, oo ay gogoshiisu taalo Magaalada Baydhabo.
Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka iyo wefdigii uu hogaaminaayay, oo loo galbiyay Hotel Bakiin ee Bartamaha Magaalada Baydhabo, ayaa waxay kulamo gaar gaar ah kula lee yihiin Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha bulshada ee Gobolka.
Mudane Shariif Xasan, ayaa bishii November ka qayb qaatay mooshinkii laga keenay Xukuumadii Saacid, isagoo Xildhibaanada Digil & Mirifle ku qal qaaliyay, in ay gacan ka geystaan mooshinkaasi, kadib markii uu u soo wakiishay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud.




