Nelsan mendalla oo ku geeryoodey magaalada capetown ee dalka south africa.

0
506

Hugaamiyihii ugu horeeyey ee south afrikada madaw nelson mandella ayaa lagu soo waramayaa in uu goor dhaw ku geeryoodey guri uu kunoolaan jirey oo ku yaal capetown.

Nelsan mandella ayaa in dhawaalaba la xanuunsanaa xanuun kaga dhacey sambabada,kaas oo dhawr jeer qaliin lagu sameeyey,isla markaana ahaa nin da’diisu kor u dhaaftey 90 sano,waxaana lagu soo waramayaa in magaalada lagu soo daadiyey ciidamo aad u farabadan si looga gaashaanto rabshado ay sameeyaan kuwo aad u taageersanaa hugaamiyihii dadka madaw ee south africa nelsan mendalla.

Nelsan mendalla ayaa ka tageya taariikh aad u wanaagsan oo xaga dimuquraadiyada iyo isdhexgalka bulshooyinka ah,wuxuuna qaatey billadda nopel piece press,wuxuuna ahaa nin dunida oo dhan magaciisu gaarey lana xurmeeyo.

Wuxuu ahaa ruug cadaa siyaasadeed oo hugaanka u qabtey isagoo xabsi ku jira ururki ANC ee midab takoor diidka ahaa markii danbana majaraha u qabtey dalka south africa oo dhan,isagoo ifka kaga tagey hal gabar iyo xaas ay wada joogeen.