Kulan ay isugu yimaadeen xukuumadii kalsoonida barlamaanku kala laabtey uuna shirgudoominayey r/wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon saacid ayaa ka dhacey xafiiska r/wasaaraha,iyadoo lagaga hadley oo keliya talaabadii barlamaanku xukuumada ku ceyriyey.
R/wasaarihii hore oo hada si kumeel gaar ah xilka u haya ayaa warbaahinta la hadley sheegeyna in uu xukuumadiisii xubnihii ka tirsanaa uu ku qanciyey in la aqbalo go’aanka barlamaanka kasoo baxey ayna ka wada yeeleen.
Inta badan xukuumada uu dr Saacid hugaaminayey ayaa ahaa kuwo aaney isku wanaagsaneyn r/wasaaraha waxeyna ahaayeen baa la yiri kuwo xarun kale ku leh inta u dhaxeysa madaxtooyada iyo xafiiska r/wasaaraha uuna hugaamiyo wasirudawlaha madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir.
Waa markii ugu horeysey ee ay shir isugu yimaadaan golaha xukuumadu tan iyo intii kalsoonida lagala laabtey,iyadoo dagaalki uu wali saameyn ku leeyahey xubnaha barlamaanka waqtigan jira.




