Wafdi uu hugaaminayey Jamaal Cali Xuseen musharaxa m/weyne ee xisbiga ucid oo loo diidey in ay u gudbaan Togwajaale.

0
512

Wafdi ka tirsan xisbiga UCID ee somaliland uuna hugaaminayey musharaxa m/weyne Jamaal cali xuseen ayaa loo diidey in ay booqdaan deegaanada togwajaale iyo arabsiyo.

Wafdiga oo markii danbe dib ugu soo laabtey hargeysa ayaa aad u cambaareeyey ficilka loogu diidey wafdiga in ay deegaanadaas tagaan si ay u soo dhistaan maamulka gobolka Gabiley ee xisbiga ucid,waxeyna sheegeen in ay mudaharaad looga soo horjeedo arintaas ay dhaceyso tobanka bishan disenber oo ku beegan maalinta xuquuqda aadanaha.

Gudoomiyaha gobolka gabiley ayaa difaacey celinta iyo diidmada wafdigan loo diidey in ay u gudbaan deegaanada Togwajaale iyo Arabsiya,wuxuuna sheegey in wafdiga laga rabey in ay wasaarada arrimaha gudaha fasax laga soo qaato oo ay gobolkana soo wargeliso,waxaanan u sheegney oo keliya in ay sharciga soo maraan,wax loo dhimeyna ma jiraan ayuu gudoomiyaha gobolka gabiley ku jawaabey.

Waa markii ugu horeysey oo mid kamid ah sadexda xisbi qaran loo diido in uu booqdo deegaan ay taageerayaashiisu ku suganyihiin,waana mid bilaabi karta khal khal iyo deganaasho la’aan hor leh oo kasoo ifbaxeysa deegaano wanaaga tusaale u ahaa hadana ay caadifadi burburineyso.