Dalal ku yaalla bariga afrika oo ku heshiiyey in ay tobanka sano ee soo socota sameystaan hal lacag.

0
480

Wadamada bariga afrika ee kala ah ugandha,kenya,ruwanda,tanzaniya, ayaa shir ay ku yeesheen kambala caasimada dalka uganda waxey ku heshiiyeen in tobanka sano ee soo socota ay sameystaan lacag keliya oo dalalkaasi wada isticmaalaan.

Dalalkan ayaa dhamaantood waxaa looga hadlaa luqada zawahiliga waana mida isusoo jiidey dalalkan dhaca bariga afrika,dalalkan oo aan aheyn dalal dhaqaalahoodu fiicanyahey,musuqmaasuquna uu la degey ayaan la ogeyn sida uu hamigoodu u hirgelayo.

Waa markii ugu horeysey ee dalal afrikaan ahi ku heshiiyaan in ay sameystaan hal lacag oo dalalkoodu wada isticmaalaan sida lacagta midawga yurub iyo mareykanka,waxeyna kusoo beegmeysaa xili uu afrika la degey musuqmaasuqa iyo wax is dabamarinta la shiidey horumarkii ay dalalka afrika gaari lahaayeen.