Fagaaro Ku Yaalo Deegaan Hostagta Baladweyn Munaasabad Ka Dhacday Ayaa Al-shabab Waxa Ay Ku Soo Bandhigtay Saanado Ay Sheegeen In Ay Kala Wareegeen Ciidamada Jabuuti Kadib Dagaalo Ay La Galeen.
Sheekh Maxamed Mire Wakiilka Al-Shabaab ee Gobalka Hiiraan oo saxaafada kula hadlay fagaaraha lagu soo bandhigay saanadaan milateri, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab ay kasoo furteen ciidanka Jabuuti iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya Isagoona Yirri “Allaabtaas aad ujeedaan ee dirinta dul saaran waxaan kasoo furnay cadoowga maalmahan banaanka usoo baxaye, waxa ay isugu jiraan raashin, daawo iyo rasaasta dagaalka”.
Sidoo Kale Wuxuu intaasi hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Maxamed Mire inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah ciidanka Jabuuti iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan Ku Sugan.
Qalabkaani Ay Soo Bandhigeen Ururka Al-Shabaab Ayaa Imaanaya Xilli Maalmahan dambe ciidanka Dowladda iyo kuwa Jabuuti, ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadeen galbeedka Magaalada Beladweyne, halkaasi oo ay kula dagaalameen xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan deegaano hoostaga Degmada Beladweyne Ee Hoos Tagta G/Hiiraan.




