Kulan ay isugu yimaadeen in ka badan 20 xubnood oo isugu jira wasiiro,w/kuxigeeno iyo w/dawlayaal ayaa ugu baaqdey r/wazare Saacid in uu is casilo.
Xubnahan ka tirsan xukuumada waqtigan shaqeysa ayaa u muuqda kuwo m/weynuhu hore u keeney hadana heysta balanqaadka m/weynaha waxeyna sidii la arki jirey doonayaan in ay laftoodu iska casilaan xukuumada si ay r/wasaaraha ugu cadaadiyaan in uu shaqada ka tago xafiiskana baneeyo.
Wararka ka imanaya xafiiska r/wasaaraha ayaa iyaguna sheegaya in ay diyaarsanyihiin xubnihii bedeli lahaa xubnaha is casila ee xukuumada Saacid ka tirsan,taas oo noqoneysa i jiid iyo aan ku jiido waa gacmo daalis.
Waa markii ugu horeysey ee khilaafkani soo if baxo mudo hal sono ah oo ay xukuumadani shaqeyneysey,waxeyna ku dhamaan kartaa iyada oo lagu kala baxo barlamaanka oo aan la ogeyn cida guusha heli doonta.




