Hey’adda culimada soomaaliyeed oo ka hadashey khilaafka soo kala dhexgaley madaxda sare ee dalka.

0
523

Hey’adda culimada soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeysey dhibaatada duufaanadi ka dhacey meelo kamid ah puntland iyo somaliland,iyo sidoo kale fatahaadaha ka dhacey gobolka sh/dhexe.

Hey’adda culimada soomaaliyeed ayaa bogaadisey xukuumada dhexe dhaqaalihii ay ku yaboohdey oo ay shaley ku dhawaaqdey in ay hal million oo dolar in la siindoono dadka dhibaatadu kasoo gaartey,iyadoo hey’addu u mahadnaqdey shirkada hormuud iyo gacanta ay ka geysatey fatahaadaha ka dhacey gobolka sh/dhexe.

Ugu danbeyna hey’adda ayaa ka hadashey khilaafka kasoo ifbaxey m/weynaha iyo r/wasaaraha iyagoo sheegey in aan khilaaf loo baahneyn ayna soo jeedinayaan in sulux lagu dhameeyo khilaafka hada ka jira dawlada dhexe ee soomaaliya.