R/wasaaraha soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa markii ugu horeysey ka hadley khilaafka u dhaxeeya isaga iyo m/weynaha,isagoo war kasoo baxey xafiiskiisa ku sheegey in khilaafku uu jiro balse uusan aheyn mid siyaasadeed ee uu yahey mid dastuuri ah.
R/wazare Saacid ayaa sheegey in shacabku isdajiyaan ayna madaxdooda aaminaan,isagoo ugu baaqey hey’adaha amniga in ay amniga sugaan lana dhawro dagenaashaha iyo xasiloonida dalka.
Waa markii ugu horeysey ee dhinac ka hadlo khilaaf in mudo ah la sheegayey in uu u dhaxeeyey m/weynaha iyo r/wasaaraha,waxeyna kusoo beegmeysaa xili la sugayey in xukuumad ka tiro badan tii tobanka wasiir ka koobneyd,waxaana hada soconaya kulamo kala gooni gooni ah oo ka socda labada dhinac ee khilaafku u dhaxeeyo.




