Al-shabaab oo ku eedeeyey dagaalka labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmaraya g/sh/dhexe gacmo shisheeye.

0
531

Xarakada dagaalyahanada Al-shabaab ayaa ku eedeysey gacmo shisheeye in ay ka danbeeyaan dagaal u dhaxeeya labo beelood oo walaalaa kuwaasoo ku dagaalamaya gobolka sh/dhexe.

Afhayeenka guud ee xarakada dagaalyahanada Al-shabaab Shekh Cali Maxamu’d Raage ayaa isaga oo ka hadlaya dagaalka in dhawaalaba ka socdey gobolkaas waxa uu eediisa saarey shisheeye iyo shisheeye kalkaal wax uu ugu yeerey,isagoo sheegey in uusan m/weyne xasan sheekh joojin karin dagaalkaas balse uu sii hurin karo oo keliya,isagoo ula jeeda booqashadi uu Xasan shekh ku tagey gobolka Sh/Dhexe.

Dagaalada qabaliga ah ayaa soomaaliya kusoo noqnoqonayey mudo dhawr iyo labaatan sano ah,waxeyna inta badan dagaaladaasi salka ku hayaan deegaan iyo daaqsin taas oo keentey in soomaaliya shisheeye maamulo,halka iyaguna waa somaalida’e ay nuuc kasta isu dilayaan oo aaney waxba isu reebaneyn.