Wararka kasoo baxaya dalka bakistaan ayaa sheegaya in hugaamiyihii daalibaanka bakistan xigmatullaahi mascuud iyo walaalkiis ay ku dhinteen duqeyn ay sameeyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn,kuwaas oo mareykanku sheegtey in uu ka danbeeyo.
Daalibaanka bakistaan ayaa xaqiijiyey geerida hugaamiyahooda iyagoo sheegey in berito lagu aasi doono gobolka wasiristan ee ku dhaw xadka afqaanistan iyo bakistan,hugaamiyahan ayaa waxaa madaxiisa saarneyd shan milyan oo dolar,qofkii soo sheega macluumaad la xiriira xigmatullaahi mascuud iyadoo sirdoonka mareykanku ay si weyn u doonayeen.
Diyaaradahan aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan drouns ayaa meelo badan oo caalamka ah ka fuliya dilal isugu jira kuwo la doonayey iyo kuwo si kama’a u dhinta,taas oo mareykanka iyo hey’adaha xuquuqul insaanka u hadlaaba aysan waxba ka dhihin.
Dilka hugaamiyahan ayaa kusoo beegmeysa xilli dagaal weyn uu mareykanka iyo xulufadiisu kula jiraan alqaacidada caalamka,sida Al-shabaab,daalibaan,maqrib iyo kuwo kale.




