Xukuumada soomaaliya oo isku raacdey in shirkad turkish ah lagu wareejiyo habeynta dekedda muqdisho.

0
575

Xukuumadda soomaaliya oo uu shirgudoominayo R/wazaaraha somaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isku raacdey in shirkad turki ah lagu wareejiyo dib u habeynta iyo dayactirka dekedda muqdisho.

Wasaarada gaadiidka badda iyo dekedaha ayaa sheegtey in ay heshiis la gashey shirkadaas turkiga ah waana shirkadii sadexaad ee qandaraas ka heshey gudaha muqdisho,waxaana hore u jirey shirkad ka hawlgasha airporka,iyo jidadka magaalada dhista oo la kala yira Tika,yagori iyo madan hada la wareegeysa dekeda muqdisho.

Heshiiska shirkadan turkiga ah ayaa noqonaya kii ay shirakad turkish ahi ku hanato rabitaanka xukuumada soomaaliya waxeyna u muuqataa in turkigu ku guuleysto rajadiisa soomaaliya iyadoo ay meesha ka baxdey tartankii shirikadaha aduunka oo laga doorbidey hal shirkad iyo hal wadan oo soomaaliya saameyn weyn ku yeelato.