Allaha u naxariistee Maxamu’d Maxamed timacadde oo muqdisho maanta lagu aasey!

0
532

Alaha u naxariistee waxaa muqdisho maanta lagu aasey meydka xwariye Maxamu’d Maxamed Timacadde,iyadoo lagu aasey xabaalo ay ku aasanyìhiin tiro wariyeyaal u geeryoodey mihnadooda saxaafadeed.

Qaar ka mid ah wariyeyaasha magaalada muqdisho ka hawlgala ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyska iyo ehelada uu ka baxey Maxamud Maxamed timacadde iyagoo dawlada soomaliya ka codsadey in la soo qabto denbiilayaashi ka danbeeyey dilka wariye hore timacade allaha u naxariistee.

Isku soo wada duuboo dilka wariye hore maxamud maxamed timacadde ayaa wuxuu qeyb ka yahey dilal lagula kacey wariyayaal hore naftooda u waayey isla markaana aan wali la heyn cid loo soo qabtey,dawlada soomaaliya gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa loo baahanyahey in lagula xisaabtamo waxa dhacaya.