Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Oo Si Xoog Ah Xawada Kaga Saaray Idaacada Shabelle Iyo SKY, Xabsina U Taxaabay Milkiilaha Iyo Shaqaalaha.

0
487

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida, ayaa waxay xoog ku galeen Dhismaha Xarunta ee Idaacada, iyagoona hawada ka saaray Idaacada, xilli ay hawada ku jirtay.

Ciidanka Dowladda, ayaa waxay hawada ka saareen Idaacada SKY NEWS, oo la mataano ah Idaacada Shabelle, oo hal dhisme oo qura ku wada yaalay.

Gawaarida shabaqla-yaasha loo yaqaano, ayaa la sheegay in lagu daad gureeyay Shaqaalaha ka hawlgala Idaacadaha Shabelle iyo SKY NEWS Iyadoona Ciidamada Dowladda Ay weli gudaha ugu jira Dhismaha la weeraray, Waxaana la aqoon waxa ay ka yeeli doonaan.

Idaacada, waxay ku taallaa agagaaraha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Dhismaha Idaacada hareereeyay gaadiidka dagaalka, ee ay wataan Ciidanka Dowladda.

Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in goor dhow, ay Ciidanka Dowladda Soomaaliya xoog kaga Soo Saareen Xabsiga Wexeyna Arintaani Sababi Kartaa In Ay Shaqaalahaasi Si Fudud Ay Gacanta Ugu Galaan Kooxihii Ugaar Siga Ku Hayey.