Ganacsadahan oo allaha u naxariistee lagu magacaabi jirey C/risaq Ibraahim Gaafey ayaa lagu diley deg. Baardheere ee gobolka gedo,iyadoo ay toogteen rag wajiyada soo qarsadey isla markaana watey gaari kuwa raaxada ah.
Ragga tootey marxuumka ayaa ku baxsadey gaarigii ay wateen,waxaana la sheegayaa in ay marxuumka ugu galeen goob ganacsi uu lahaa ,degmada baardheere ayaa waxaa maamula dagaalyahanada alshabaab,mana jirto cid kusoo baxdey dilka marxuumka(inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun).
Waa dhawaan gal in lagu dilo ama lagu dhaawaco dadka rayidka ah meelaha ay maamulaan dagaalyahanada Alshabaab waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo la sheegayo duulaan ka dhan ah Alshabaab oo lagu qaadi rabo meelaha ay maamulaan dagaalyahanada Alshabaab.




