Cabashadan ay soo jeediyeen beesha agoonyar abgaal ayaa waxey eed iyo cambareyn dusha uga tuurtey madaxtooyada iyo maamulka hada jira iyagoo sheegaya in la bar tilmaameedsado shaqaalihii ka shaqeyn jirey madaxtooyada soomaaliya.
Beesha agoonyar abgaal ayaa sheegaya in shaqaalihii ka sheqeynayey madaxtooyada labadii ugu danbeysey maanta laga ceyriyey shaqada sidaas awgeedna aysan u dulqaadaneyn waxa socda,iyagoo m/weynaha ka codsadey in uu soo farageliyo arintaas.
Waa markii ugu horeysey ee la maqlo cabashadan oo kale,waxeyna burineysaa balanqaadki m/weyne xasan sheekh markii uu xilka madaxtooyada kala wareegayey m/weynihii hore shekh shariif shekh axmed,kaas oo ahaa in shaqaalaha m/tooyadu ay sidooda uga shaqeyn doonaan meelaha ay ka shaqeeyaan.




