Ahlusuna waljameeca gobolada dhexe ayaa sheegey in aysan waxba ka ogeyn isla markaana aaney aqbalidoonin maamul ay sheegeen in nairobi kenya lagu sameynayo.
Maamulkan oo loo sameynayo gobolada dhexe ayey kasoo horjeesteen ahlusuna waljameeca gobolada dhexe ayaa wax war ah laga heyn nuuca uu yahey iyo cidda wada sameyntiisaba,iyadoo ahlusunada gobolada hore dawlada dhexe heshiis ula gashey,isla markaana ciidamadeedi ay ku wareejisey dawlada federalka ah.
Maahan markii koowaad ee ay ahlusunada gobolada dhexe dhiilo ka dhan ah hawlaha dawlada dhexe muujiyaan hase yeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo la qeybsanayo xubno golo wasiiro la filayo in dhawaan barlamaanka la horgeeyo,taas oo aaney caddeyn in ahlusuna oo shabaab la dirirtey laga xusidoono ama wax laga siindoono.




