Wafdi uu hugaaminayo m/weyne Xasan sheekh Maxamuud ayaa waxaa la sheegayaa in ay kismaayo tegedoonaan iyadoo la sheegayo in Axmed madoobe uu muqdisho imanayo isla markaana ay m/weynaha halkan iska raaci doonaan.
Madaxweynaha ayaa hadii uu tago kismaayo soo afjaridoonta khilaafki u dhaxeeya dawlada federalka ah iyo maamulka kmg ee juba,waxaana laga heshiin doonaa wixii isafgaranwaa ahaa oo dhan,iyadoo la sheegayo in xitaa la gelayo arinta m/weyneyaal kismaayo lagaga dhawaaqey iyo maamulka shekh Axmed madobe.
Waa markii ugu horeysey ee m/weyne Xasan shekh uu tago kismaayo,hadiiba ay hir gasho,qabanqaabada socdaalka madaxweynuhu uu ku tagi rabo kismaayo,waxaanan u rajeyneynaa dhamaan dadka soomaaliyeed in ay heshiiyaan oo iyagu is aaminaan.




