Barlamaanka soomaaliya ayaa baajiyey kulan uu yeelan lahaa kaasoo ku baaqdey koramka oo buuxsami waayey iyadoo inta badan dadka shacabka ah ay ka xumaadaan sababtuna waa iyadoo dadku fahamsanyihiin in hawsha xildhibaanadu tahey hawl shacabku leeyahey.
Barlamaanka ayaa waxaa loo soo wadaa tiro wasiiro ah oo uu magacaabayo r/wazare Saacid,iyadoon la ogeyn in barlamaanku meelmarinayo iyo inkale,waxaana la hadal hayaa in m/weynaha iyo saacid aysan isku waafaqsaneyn xubnaha golaha xukuumada cusub.
Maahan markii ugu horeysey ee barlamaanku fariisan waayo koram la’aan awgeed hase yeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo barlamaanka la hor keeni rabo xukuumad ka tiro badan tii tobanka wasiir aheyd,maadaama ay noqotey lamood noqonse weydey.




