Qarax nafti hurnimo oo ka dhacey B/weyne iyo kudhawaad labaatan qofoodna waa dhimashada.

0
485

Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacey degmada b/weyne,qaraxan oo uu fuliyey nin nafti hure ah ayaa waxaa ku dhintey askar ethiopian ah,kuwo jabuutiyan ah iyo kuwo soomaali ah.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtey xarakada dagaalyahanada alshabaab,abu muscab ayaa u hadley alshabaab isagoo ku faaney in uu qaraxa ku diley in kabadan 18 askeri,qaraxa ayaa ka dhacey meel maqaaxi ah,iyada oo magaalada b/weyne gacanta ugu jirto dawlada iyo ciidamo Amisom ah.

Maahan markii ugu horeysey ee qarax ka dhaco isla markaa ay alshabaab sheegato waxeyna hore uga dhacdey hotel ay ku nafwaayaan in kaban 50 qof oo uu ku jiro wasir hor Cumar Xaashi Aadan allaha u naxariistee.