Mawduuca dooda furan ee radio SKY-
ayaa maanta ku saabsaneyd sida dadweynuhu u arkaan xariga Shekh Xasan Daahir Aweys,iyadoo uu daadihinayey wariye Maxamu’d Maxam’d Daahir(maxamud Carab).
Sidoo kale dadweynuhu waxey aragtidooda ka dhiibanayeen xariga hugaamiye burcadbadeeda ka fariistey isla markaana ku hawlanaa sidii uu dhalinyaro badan uga soo celin lahaa burcadbadeednimada,kaas oo lagu xirey dalka beljemka,kadib markii si khiyaano ah lagu geeyey.
Dadweynaha ayaa tilmaamey qaarkood in aysan wax shaqo ah isku laheyn labadan nin hal barnaamijna aysan wadaagi karin,iyagoo inta badan dadki ra’yigooda dhiibanayey ay ku taliyeen in shuruud la’aan la siidaayo sh xasan daahir aweys.
Waxeyna dadka markasta muujinayeen in dawlada ay gef ku tahey in ay fulin weyso balan ay gashey,kana faa’iideysato khibrada Sh Xasan Daahir Aweys,si shuruud la’aan ah waa in loo daayo ayey yiraahdeen.
Qaar kamid ah dadka fekerkooda cabirayey ayaa sheegey in shekh xasan daahir aweys dadkii qabiilkiisa ahaa ee cadaado ka keeney ay gateen lacagna siisteen,ayna shacabka hada u muujinayaan in ay ka xunyihiin,taasna ay khiyaano tahey,iyadoo mid kamid ah odayaashi loo direy sheekh xasan uu beeniyey in beesha shekh xasan daahir uu ka dhashey aysan wax lacag ah qaadan ayna been tahey warka uu sheegey mid kamid ah dhegeystayaasha.
Sidoo kale ayaa dadka fekerkooda cabirayey waxey arin foolxun ku tilmaameen arinka dawlada beljemku ay fiisaheeda u adeegsatey si khiyaano ku jirto,si sharci ahna uga degey garoonka beljemka,ayna denbi iyo xadgudub tahey in ay fise siiso qof denbiile u ah dalka beljemka,ugu danbeyntiina ay xaaski Maxamed Cabdi Afweyne ay ka codsatey dawlada beljemka in ay soo daayaan ninkeeda oo ah ganacsade la yaqaan burcadbadeedna aan shaqo ku laheyn,halka ay dawlada federalka ka codsatey in ay gacan ka geysato sii deynta ninkeeda oo bey tiri dawlada somaliya xog ogaal u tahey Maxamed Cabdi Xasan Afweyne.




