Dagaalyahanada xarakada Alshabaab oo hanjabaad u direy dalka UK.

0
509

Xarakada dagaalyahanada alshabaab ayaa hanjabaad u dirtey dalka britain,iyagoo soo bandhigey rag somali britain ah iyo kuwo britain ah oo ka barbar dagaalamaya alshabaab kuwaasoo ay soo bandhigeen flim ay soo duubeen oo ay ku shaaciyeen warbaahinta la daawado iyo kuwa la aqristo.

Alshabaab ayaa taageerey nin neyjeeriyaan dhawaan lagu diley dalka ingriiska kaas oo ay sheegeen in uu la shaqeyn jirey sirdoonka dalka ingriiska.

Xarakada dagaalyahanada Alshabaab oo hore loogu yiqiin in ay ka hawlgasho geeska afrika ayaa hadda u gudbey dalka UK iyo danaha uu caalamka ku leeyahey,ilaa hadda dawlada UK kama hadlin jawaabna kama bixin hadalkan iyo hanjabaadan cusub ee ay dagaalyahanada Alshabaab soo bandhigeen.

Hanjabaada dagaalyahanada alshabaab maahan markii ugu horeysey ee ay hanjabaado warbaahinta u mariyaan,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan ay sirdoonka soomaaliya ay ka digeen weeraro kusoo fool leh meelo badan oo yurub iyo afrika ah.