Odayaal iyo wax garad ka socda Shekh Xasan Daahir Aweys iyo m/weyne Xasan Sheekh oo kulan yeeshey.

0
503

Kulan ay yeesheen odayaasha iyo wax garad kasoo jeeda beesha uu kasoo jeedo shekh Xasan Daahir Aweys iyo m/weynaha soomaaliya Xasan Shekh Maxamud iyagoo ka wada hadley arrimaha siideynta shekh xasan daahir aweys.

Madaxweynaha iyo wax garadka ayaa wada hadal kadib isku afgartey in mar kale leysu soo noqdo marka la gaaro 21ka bishan aynu ku jirno.

Shekh xasan daahir aweys oo ka mid ah odayaasha aas aasey urur diimeedyadii ugu horeeyey ee dalkeena laga sameeyo ayaa gacanta ugu jira dawlada soomaaliya kadib markii ay is qabteen hugaamiyaha Alshabaab Axmed godane oo loo yaqaan abuu zubeyr,iyadoo ay markii danbana odayaal iyo wax garad ay isku heyb yihiin ugu tageen cadaado xarunta xubin iyo xeeb una balan qaadeen in uu sida uu rabo ugu noolaanayo meesha uu rabo hase yeeshee waxey taasi isbedeshey markii garoonka muqdisho laga soo degey xabsigana loo taxaabey xasan daahir aweys intii wadey ama la socotana guryahooda in ay iska xaadiriyaan la farey.