Dacwadii u dhaxeysey shirkadda dahabshiil iyo bancles bank ayaa soo gabangabawdey iyadoo la filayo in xaakimku ku dhawaaqo go’aanka dacwada beryaha soo socda.
Shirkadda dahabshiil oo ah shirkad xawilaadaha iyo lacagaha leys dhaaf dhaafiya ka shaqeysata ayaa beryahan waxaa sii yaraanaya sida kalsooni loogu qabi karo lacagaha la dhigto iyo kuwa la xawilaba,isagoo bangigani wacad ku marey in aanu dahabshiil wax macaamil ah aanu la yeelan karin,maadaama ay dhawr goor dahabshiil dhexdeeda xatooyo iyo wax isdabamarin ay ka dhacdey,waxaana la sheegayaa in dahabshiil hadda ay ka tagayaan hey’ado ururo shirkado ganacsi oo xisaabo ku lahaa Dahabshiil.
Shirkadda dahabshiil ayaa waxey ka shaqeysaa meelaha ay maamulaan kooxaha alqaacida,alshabaab iyo waxa loogu yeero argagixisada oo dhan waana midaas tan keentey in lagu kalsoonaanwaayo dahabshiil iyo shakado iyada lamid ah,lama oga talaabada ay qaadi doonto hadii dahabshiil laga xiro xisaabta ay ku leedahey bancles bank muranka u dhaxeeya bankigan iyo shirkada dahabshiil maahan mid waqtiyadan bilawdey ee waxaa jirey marar kale oo dahabshiil lagu wargeliyey in ay lacagaheeda kala baxdo xisaabaha ay ku leedahey bangiyo kala duwan oo uu kamidyahey bancles bank.
Dawlada soomaaliya ayaan waxba ka dhihin dacwada socota waana dakhliga ugu badan ee dadka soomaaliya soo gasha marka laga hadlayo kuwa gudaha ku nool iyo xitaa dakhli ururin hey’adaha dawlada kuwooda lacagaha ururiya,iyadoo dahabshiil laga sugayo halka ay ujeesato marka laga qaado ruqsada ay lacagaha ku xawisho.




