Axmed madoobe iyo c/raxmaan faroole oo markii ugu horeysey dhinac fariisanaya Xasan shekh maxamu’d.

0
507

Axmed madoobe iyo faroole oo kala xukuma puntland iyo jubaland ayaa markii ugu horeysey ka qeyb galaya shirka brucels xarunta midawga yurub ee dalka beljemka.

Arintan ayaa waxey sumcad xumo ku tahey dawlada federalka ah oo dhawaan heshiis la gashey maamulka axmed madoobe,iyadoo shacabka lagu qanciyey in maamul goboleed la diidey lana ogolaadey maamul kmg ah oo dawlada dhexe wax ka dhiseyso.

Waxaase meesha warkaas ka saarey markii la maqley in faroole iyo axmed madoobe oo hal beel kasoo wada jeeda ay ag fariisteen m/weynihii dawlada federalka oo la yiri waa dawlad rasmi ah kmgna waa laga baxey,waligeed lama arag dawlad dhawr dhinac shir uga qeyb geleysa isla markaas dad badan ayaa leh m/weyne xasan sheekh mey aheyn in uu shirkaas tago.

Kulanka xarunta midawga yurub ayaa imanaya iyadoo soomaaliya dib u dhiskeeda loo kulmayo,hase yeeshee waxaad moodaa in meesha wax kale ku aasanyihiin,soomaalidana lasii kala fogeynayo waase la arki doonaa halka ay salka dhigato,iyagaaba dhinac qura in loo dhaqaaqo diidane.