Wafdi uu hugaaminayo m/weyne xasan sheekh maxamuud ayaa ka amba baxey magaalada muqdisho,iyagoo kusii jeeda dalka beljemka magaalada brucels si ay uga qeyb galaan shir halkaa ka furmi doona bishan lix iyo tobankeeda.
Madaxweynaha iyo wufuudda uu horkacayo ayaan aheyn kuwo miisaanka beelaha ku fadhiya balse u muuqda kuwo hal beel oo madaxweynuhu ka dhashey u badan,ayna ka qeyliyeen qaar kamid ah ururada bulshada rayidka ah oo sheegey in aaney metelin xubnaha waftiga ururada bulshada ula socda ayna yihiin kuwo aan iyaga lagala tashan oo suuqa laga watey,iyagoo hadalkooda ku darey in aysan aqbali doonin waxa shirkaas kasoo baxa.
Madaxweyne xasan sheekh ayaa waxaa heysta cadaadis siyaasadeed oo uga imanaya dagaalyahanada alshabaab iyo hugaamiye goboleedyo aan la loodin karin,waxaana shirka lagu casumey oo dhinac fariisanaya m/weyne xasan sheekh hugaamiyaha puntland c/raxmaan faroole,wadahadalna uu dhexmari doono labadooda.
Waxeyna shirkan ugu talagaleen dawladaha qabanqaabiyey in laga taakuleeyo soomaaliya dhinacyada dib u dhiska,dhaqaalaha,nabadgelyada,iyo maamulka wanaagsan,waana barnaamij loo sameeyo dalalka dagaalada sokeeye kasoo baxa.




