Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo kulan casho sharaf ah u sameeyey culamaa’udiinkii ka qeyb galay shirkii lagu soo gaba gabeeyey Muqdisho ee looga hadlayey Xagjirnimada Wuxuuna
Raysalwasaare Saacid uu Sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dowlada Soomaaliya haysata xiligan ay tahay Xagjirnimada hubeysan.
Sidoo Kale Ra’iisul Wazaaraha Waxa Uu Carabka Ku Dhuftay in culumaa’udiinka ay kaalin weyn ka qaadan karaan sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya Lagana Doonayo In Aysan Indhaha Iska Tirin Xaaladaha Iyo Dhibaatada Ay Leedahay Xagtirnimada Hubeysan Ee Ka Taagan Dalka Soomaaliya.
Kulankaani looga hadlayey Xagjirnimada oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay culumaa’udiin kala gedisan oo ka kala yimid gobalada dalka iyo dibada Waxaana Shirkan laga soo saaray baaqyo liddi ku ah kooxaha xagjiriinta Ah.




